NASA: Juno Jupiter "ayuu ku sii socdaa"

Lahaanshaha sawirka nasa

Hay'adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ayaa qalab wax lagu baaro oo la yiraa Juno oo ay samada u dirtay waxaa uu ku soo socdaa meeraha Jupiter.

Qalabkan oo ku sii dhowaanaya Jupiter saacadba saacadda ka dambaysa, waxaa uu ku dadaalayaa inay soo qabato awoodda cuf-isjiidashada gaaska berrito gelinka hore si uu u tago meeraha dhulku ku wareego.

Haddii uu guulaysto, qalabkan Juno waxaa uu markaasi kaddib 18-ka bilood ee soo socda ka shaqayn doonaa sidii uu wax uga ogaan lahaa daruuraha culus ee ku hoos jira xiddigta Jupiter.

Haddii hawlgalka Juno uu u qabsoomo sidii loogu talagalay waxa uu eegi doonaa waxa uu ka samaysan yahay adduun-waynaha iyo qaabka uu isugu dhagan yahay.

Ugu dambayn waxay si rasmi ah u ogaan doonaan bal in uu oogo adag leeyahay iyo in uu hawo kali ah yahay.

Waxaan kale oo ay heli doonaan aqoon cusub oo ku saabsan waxa loo yaqaan barta cas ee caanka ah Great Red Spot – oo dabaylo xoog leh ka dhalinay Jupiter muddo boqollaal sano ah. Juno waxaa uu noo sheegi doonaa inta ay xididadiisu hoos u qodan yihiin.

Scott Bolton oo ah cilmi baadhaha ugu wayn oo ka socda mac’hadka South West ee magaalada Texas ayaa sheegay in sawirada ilaa hadda la qaaday ay muujinayaan in meeraha Jubiter uu roob ka da’o

Meerahani waxaa uu leeyahay shucaaca ugu xun maareeyayaasha oo dhan, ayuu sheegay.

"Waa inaan la macaamilno bay’addan ayuuna sii raaciyay."