Real Madrid oo lagu amray inay bixiso 20 milyan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Toddobo naadi ee dalka Spain ayaa lagu amray inay bixiyaan malaayiin dollar oo ay ka heleen dowladda.

Gudiga Yurub ayaa ku adkaysanaya in naadiyayaasha ay jabiyeen sharciga Europe ka dib markii ay ka faa'idaysteen amaahyo dowladda oo qaas ah, heshiisyo canshuur iyo guri.

Real Madrid oo ah naadiga ugu taajirsan, ayaa lagu amary inay bixiyaan labaatan milyan oo dollar oo la xiriira guri ku yaala Madrid

Gudoomiyaha tartanka suuqa ee Midowga Yurub, Margrethe Vestager, ayaa sheegay in kooxaha ay si aan daacad ahayn u isticmaaleen lacagta dowladda.