Turkiga oo gargaar Qasa u mariyay Israel

Lahaanshaha sawirka AFP

Markab Turkiga leeyahay oo 11,000 oo tan oo gargaar bini'aadanimo u sida Qasa ayaa yimid dekada Asdod ee Israel.

Waa markii ugu horaysay ee markab noocan oo kale uu imaado tan iyo 2010, markii 10 Turkiyiin u ololeeya Falastiiniyiinta lagu dilay iska horimaad ciidamada Israel.

Maraakiibta ayaa rabay inay ka gudbaan xayiraada Israel ay ku soo rogtay magaalada Qasa.

Arrinta ayaa sababtay inuu xumaado xiriirka Israel iyo Turkiga, laakiin waxay saxiixeen heshiis ay ku soo celinayaan xiriirkooda toddobaadkii hore.

Markabka Lady Leyla ayaa siday cunto, dhar iyo alaabada ciyaalka ay ku ciyaaraan oo loogu tala galay inuu Qasa yimaado intaan la gaariin Ciida ee Ramadaanka ka dib.