FBI: Clinton lama dacwaynayo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hillary Clinton ayaa danbi loo qabsan doonin

Hayadda sirdoonka Maraykanka ee FBI, ayaa sheegtay inaysan ku talinayn inaan danbi loo qabsan Hillary Clinton, ka dib markii ay u isticmaashay emailadeeda gaarka ah macluumaadka sirta ah ee dowladda markii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Agaasimaha FBI, James Comey, ayaa sheegay Hillary Clinton oo u tartamaysa madaxweynenimada Maraykanka, inay ahayd taxadar la'aan, laakiin ma jirin cadayn inay ugu talagashay falka.

Afhayeenka Clinton ayaa sheegay in ay qiratay qaladkeeda, loona arko in la xaliyay arrinta.

Laakiin, ninka la tartamaya ee Donald Trump ayaa sheegay inay qatar galisay ammaanka waddanka, oo haddii aan la dacwayn ay wax ka qaldan yihiin cadaalada.