Qareenkii Kenyanka ahaa dilka jirdil baa u dheeraa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qareenka la dilay

Baaritaan lagu sameeyay meydadka qareen Kenyan ah, nin uu matalayay iyo darawalkooda, ayaa lagu ogaaday in si xun loo jirdilay ka hor inta aan nafta laga goyn.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in Josephat Mwenda oo ah ninka la matalayay oo booliska u haystay in ay garabka ka toogteen uu jirdilka ugu badan la kulmay.

Dilalka raggaasi ayaa ka careysiiyay Kenyan badan, maadaama dad badan ay tuhusan yihiin in booliskuay ka dambeeyeen.

Ma jirto cid loo maxkamadeeyay dilalkaasi, balse afar askari oo boolis ah ayaa weli u xiran, waxaana socda baaritaan dilalkaasi ku aaddan.

Agaasimaha waaxda dembi baarista Kenya, Ndegwa Muhoro, ayaa maxkamad ka hor sheegay in cadaalladda la marin doono kuwa ka dambeeyay dilalkaasi.