Qarax ka dhacay Madina

Lahaanshaha sawirka Zillur Rehman

Qof is qarxiyay ayaa dilay afar qof oo ilaale ah, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen goobaha barakaysan ee magaalada Madina, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha

Qofka ayaa is qarxiyay ka dib markii lagu joojiay meel u dhow masaajidka Nabi Maxamed agtiisa, ayay sheegtay hadalka ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha.

Masaajidka ayaa waxaa ku duugan Nabi Maxamed, Madina ayaa ah magaalada ugu barakaysan Islaamka, ka dib Makka.

Dad is qarxiyay ayaa sidoo kale weeraray laba magaalo oo kale ee Sacuudiga Isniintii.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya qaraxa meeshuu ka dhacay oo u dhow masaajidka Nabi Maxamed uu ku duugan yahay.

Waxaa looga shakisan yahay weerarka kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ee IS.

Al- Carabiya ayaa sheegtay in ninka is qarxiyay inuu beegsaday ciidamada, ka dib markii uu iska dhigay inuu rabo inuu la afuro.

Qari Ziyaad oo 36 jir ah oo ka yimid Konfur Afrika, oo joogay masaajidka, ayaa u sheegay Associate Press in dadka ay u maleeyeen markii hore dhawaaqa qaraxa, kanooni la riday oo sheegaya waqtiga afurka.