Codaynta hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka

Lahaanshaha sawirka
Image caption Shanta qof ee u tartamaysa hogaamiyenimada

Wareegii koowaad ee codaynta hoogaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa bilaabatay dalkan Britain.

Xildhibaanada xisbiga Conservativeka ayaa bilaabay wareegii koowaad ee codaynta ay ku dooranayaan hogaamiyahooda cusub, oo noqon doona ra'iisal-wasaaraha cusub ee Britain.

Theresa May ayaa ugu horaysa tartanka iyadoo haysata xildhibaano badan oo taageersan. Afar qof oo kale ayaa la tartamaysa.

Dadka xubnaha ka ah xisbiga ayaa u codeynaha labada qof ee isku soo harta ee ay u codeeyaan xildhibaanada. Qofka guulaysta ayaa la magacaabi doonaa 9-ka September.

Xildhibaanada Conservative-ka oo ah 330 xildhibaan, ayaa u codaynaya wareega koowaad oo ay shan qof u tartamayaan hogaamiyanimada.

Natiijada ayaa la filayaa toddobada habeenimo ee London, iyadoo qofkii hela codka ugu yar uu ka bixi doono.