Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Dabaaldega Ciida

Magaalada Muqdisho, sanadka si ka duwan sanadihii hore waxa ay dadweynahu u damaashaad tageen beerta loogu magacdaray beerta nabadda oo ku taala bartamaha magaalada, iyo sidoo kale fagaarayaaal kale oo ku yaala xeebta liido iyo dibadda magaalada.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa warbixintan ku eegaya sida loogu ciiday beerta nabadda ee Muqdisho.