Pistorius oo la xukumay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Oscar Pistorius ayaa hoos fiirinayay markii lagu dhawaaqay xukunka

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ayaa maxkamad ku taala Koonfur Afrika ay ku xukuntay orodyahanka Oscar Pistorius lix sano, ka dib markii uu dilay saaxiibtiis Reeva Steenkamp 2013-kii.

Garsooraha Thokozile Masipa, ayaa sheegtay xaalada uu ku sugan yahay sida isbadal uu sameeyay iyo inuu ka xun yahay danbiga darteed, ayaan lagu xukumayn shan iyo toban sano oo xarig ah.

Sanadkii hore ayaa lagu xukumay dil uusan ugu tala galin, laakiin dacwad oogaha ayaa racfaan ka qaatay xukunka ka dibna danbiga loo badalay dil.