Pistorius oo ay maxkamadi go'aan ka gaarayso

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Oscar Pistorius, ciyaaryahan reer Koonfur Afrika ah oo loo haysto dilka saaxiibtii

Oscar Pistorius, oo ah ciyaaryahan naafa ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu wadaa in maanta uu ogaado in uu xabsi u geli doono dilka saaxiibtii Reeva Steenkamp iyo inkale.

Ciyaaryahankan ayaa racfaan ka qaatay xukun horay loogu riday oo ahaa inuu si kama ah u dilay saaxiibtii, waxaana haatan suuragal ah inuu wajaho xarig 15 sana ah kaddib muddo saddex sana ah oo uu soo waday dagaal dhanka sharciga ah.

Oscar Pistorius ayaa muddo 9 bilood ah xabsiga ku soo qaatay, taasi oo qeyb ka ah xarig horay loogu xukumay oo ahaa in uu si kama ah u dilay saaxiibtii sanadkii 2013-kii.