Dad xabsi daa’im loogu xukumay xasuuqii Rwanda

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xasuuqii Rwanda

Maxkamad ku taal dalka Faransiiska ayaa qeybtii ay ku lahaayeen xasuuqii Rwanda ee 1994-tii waxa ay xabsi daa'im ugu ridday laba maayar oo hore oo u dhashay dalkaasi Rwanda.

Octavien Ngenzi iyo Tito Barahira ayaa lagu helay dambiyo ka dhan ah bini’aadamka iyo xasuuq, iyagoo gacan ka gaystay qorshaynta dilka dad u badan Tutsi oo ku noolaa tuulada Kabarondo ee bariga dalkaasi Rwanda.

Gaboodfalkii ugu xumaa, boqolaal rag, haween iyo carruur ah ayaa lagu qalay kaddib markii ay maciin bideen kaniisad ku taal tuuladaasi.

Waa kiiskii labaad oo noociisoo kale ah oo la geeyo dalka Faransiiska, kaddib xukun laba sano ka hor lagu riday sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Rwanda oo isna loo haystay inuu ku lug lahaa xasuuqii dalkaasi ka dhacay.