Shan askari oo Maraykan ah ayaa la dilay

Lahaanshaha sawirka KXAS
Image caption shan booliis ah ayaa dhimatay lixna waa dhaawac

Shan ka mid ah booliiska Dallas ayaa la dilay lix kale ayaana la dhaawacay, kaddib markii dad hubaysan ay booliiska rasaas ku fureen.

Arrintani waxay dhacday intii uu socday mudaaharaad lagaga soo horjeeday dilalka ay booliisku u gaystaan dadka mudaaharaadka waday.

Saddex ruux ayaa arrintaas loo xiray, nin ay booliiska is hor fadhiyeen oo hubaysnaana markii dambe isaga ayaa is dilay sida warbaahinta Maraykanku ay ku warantay.

Rasaasta ayaa bilaabatay iyada oo dadka mudaaharaadaya ay magaalada dhexmarayaan.

Weerarka Dallas ayaa noqonaya midkii ugu xumaa ee soo mara booliiska Maraykanka tan iyo weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001-da.

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama oo booqanaya Poaland, ayaa dhaleeceeyay weerarka booliiska lagu qaaday.

Taliyaha Booliiska Dallas, David Brown ayaa sheegay in ay rumaysanyihiin in dhamaan dadka laga shakisanyahay ay wada shaqaynayeen, ayna weerarada u adeegsadeen qoryo markii mudaaharaadayaashu ay soo dhawaadeen.

Labo ruux oo qoryaha wax lagu shiisho wata oo taagan wiishka guryaha loo kala raaco ayaa qaar ka mid ah askarta dhabarka ka toogtay.