Netanyahu oo booqanaya Itoobiya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Benjamin Natenyahu iyo Hailemariam Dessalegn

Ra'iisal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa booqanaya Itoobiya maanta booqashadiisii ugu danbaysay ee uu ku marayo Afrika, isagoo tagay Kenya, Uganda iyo Rwanda.

Waa ra'iisal-wasaarihii ugu horeeyay ee reer Israel ee booqda Afrika soddon sano.

Wadahadalada ay yeelan doonaan labada waddan ayaa xooga saari doona ganacsiga iyo mustaqbalka sagaalka kun ee Itoobiyaanka Yuhuuda ee ku nool Israel.

Isarel ayaa diyaarad ku qaaday kumanaan Itoobiyaan oo Yuhuud ah 1984-tii ee waqtigii abaarta iyo 1991-dii, markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye.