Tanzania oo go'aan ka gaartay da'da guurka

Maxkamadda sare ee dalka Tanzania ayaa xukmisay maanta go'aan ku saabsan da'da ugu yaraan lagu guursan karo gabdhaha.

Koox u ololeysa xuquuqda caruurta ayaa codsi geeyay maxkamadda si looga dhigo da'da gabdhaha lagu guursan karo ugu yaraan 18 sano, iyadoo aan sabab loo yeeli karin.

Tanzania waxay ka mid tahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ee ay ka jiraan guurka gabdhaha yaryar.

Sharciga guurka ee Tanzania ee 1971 wuxuu dhigayay in wiilashu ku guursan karaan ugu yaraan 18, gabdhahana 15 sano.

Haddaba sharcigan cusub ayaa ka dhigaya in wixii hadda ka dambeeya aan la guursan karin gabar ka yar 18 sano.

Gabdhaha da'da yar lagu guursado ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan xadgudubyo dhinaca guriga ah, iyadoo bulsho ahaan fursadaha waxbarasho ama shaqo ee ay helaanna ay aad u yar tahay.