Alshabab oo weerartay saldhigga Diif

Lahaanshaha sawirka n
Image caption Alshabab ayaa weerarro badan ka geystay Waqooyi Bari Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanno Alshabab ah, oo ay tiradoodu ka badan tahay boqol, ay weerarreen saldhig boolis oo ku yaalla deegaanka Diif ee hoos taga degmada Wajeer.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada oo watay saddex gaari, ay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah rasaas ku fureen saldhigga, ayna halkaasi ka qaateen rasaas iyo labiska booliska.

Waxaa la sheegay in weerarka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya.

Xooggaga Alshabab ayaa inta badan weerarra deegaannada Waqooyi Bari Kenya, waxaana la sheegaa in ay jiraan unugyo ka tirsan ururkaasi oo ku sugan deegaannadaasi.