Tirada dadka u dhinta cudurka cagaarshowga

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Cagaarshowga malaayiin qof ayaa u dhimata sida hay'adaha caafimaadka ay ku waramayaan

Caabuqa xanuunka cagaarshowga waxa uu kamid yahay cudurada dilaayaasha ee caalamka.

Tirada dadka u dhintayna waxay gaarsiisantahay sida aids-ka ama tiibishada. Sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Sharbaarka Lancet.

Warbixinta lagu xusay in cudurka Cagaarshowga, iyo saameyntiisaba ay u dhinteen 1.45m oo qof sanadkii 2013kii, inkastoo ay jiraan daweyn iyo tallaal loogu talagalay.

Fariinta hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay muujineysaa in 1.2m oo qof ay aids-ka u dhinteen sanadkii 2014kii, halka Tb-dana ay u dhinteen 1.5m oo qof isla sanadkaasi.

WHO waxa ay sameysay qorshe wax looga qabanayo oo looga hortagaya Cudurka Cagaarshowga.