Portugal oo ku guuleysatay koobka Euro-2016

Image caption Kooxda Portugal oo sugayay firimbigii ugu dambeeyay

Dabaaldegyo ayaa ka socda dalka Boortoqiiska kadib markii xulkooda qaranka uu ku guuleystay koobka tartamada Yurub ee Euro 2016ka.

Kooxda oo la ciyaartay dalka Martigelinaya ee faransiiska ayaa gool iyo waxba ku garaacday.

Dad aad u badan ayaa isu soo baxay oo dhigaya dabaaldegyo, waxayna ku ciyaarayaan jidadka magaalada Lisbon, iyagoo calanka dalkooda ruxaya.

Image caption Waa kooxda Boortoqiiska oo qaatay koobka

Goolka ay Boortoqiiska ku adkaadeen waxaa xilliga dheeraadka ee ciyaarta lagu daray dhaliyay Eder.

Intabadan ciyaarta Boortoqiiska waxay ahayd mid difaac u badan, halka Faransiiska uu soo bandhigay kubad aad u qurux badan oo weerar iyo difaacba isugu jirta.

Image caption Ronaldo oo ciyarta laga bixiyay kadib markuu dhaawacmay ayaa lagu wareejiyay koobka

Cristiano Ronaldo jilibka ka dhaawacmay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta ayaa la badalay.

Wuxuu ooyay oo muusan dooneynin in laga saaro garoonka, hase yeeshee dhaawaca gaaray aawadii, ayaa loo badalay.

Laakiin waxa uu ku sugnaa meesha tababarayaashu istaagaan dhammaan intay ciyaarta socotay, isagoo aad u dhiiragelinaayay kooxdiisa.

Waa markii ugu horeysay ee Booroqiiska uu guul ka gaaro tartan heer caalami ah.