Ammaanka Paris oo la adkeeyay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Booliska ayaa ilaalinaya goobaha muhiimka ah ee Paris.

In ka badan 5,000 oo boolis ah ayaa la geeyay goobaha muhiimka ah ee caasimadda Paris, xilli caawa ay dhacayso ciyaarta kama dambeysta ah ee Euro 2016, taasoo dhexmari doonta xululka Faransiiska iyo Bortaqiiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in booliska ay si gaar ah isha ugu hayn doonaan garoonka ay ciyaarta ka dhacayso ee Stade de France, iyo goob ay daawadayaasha ciyaarta ka fiirsan doonaan oo u dhoway Eiffel Tower.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay in haddii uu Faransiiska qaado koobka, aanay jiri doonin xaflad loogu dabaaldegayo guushaasi.

Booliska iyo milateriga Faransiiska ayaa ilaalo ka hayay Paris tan iyo bishii November, xilligaasi oo weerarro ay mintidiin ku qaadeen caasimadaasi ay ku dhinteen 130 qof.