Kiir iyo Machar oo ku dagaallamay Juba

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa gudaha caasimadda Juba.

Dagaal xooggan ayaa ciidammo kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ku dhexmaray caasimadda Juba ee South Sudan.

Afhayeen u hadlay ciidanka Riek Machar, ayaa sheegay in xooggagooda ay la dagaallamayaan ciidan daacad u ah madaxweyne Salva Kiir.

Korneyl William Gatjiath ayaa BBC u sheegay in ay hadda ku siqayaan bartamaha caasimadda Juba, ayna dhinacyo badan dagaalka ka wadaan.

Waxa uu sheegay in boqolaal askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka maanta. Dowladda South Sudan ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socda Juba.

Qaramada Midoobay ayaa labada dhinac ku dhaliishay in aanay ilaalin heshiiska nabadda, ee lagu soo afjarayay colaadda sokeeye ee dalkaasi ka jirtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska awgii ayaa tiro kooban oo ka tirsan xooggaga Mr Machar waxa ay ku laabteen Juba, walow aan weli lagu dhafin ciidanka dowladda.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Juba ugu baaqay in taxadaraan, isla markaana aanay dibedda u bixin.