Shuban biyood dad ku laayay Hiiraan

Image caption Magaalada Beledweyne ayaa la geeyay dad qaba xannuunka shuban biyoodka.

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyey inay shuban biyood ugu geeriyoodeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Hiiraan in ka yar laba bilood.

Dhimashada dadkaas waxaa BBC u xaqiijiyey maamulaha cisbitalka Beledweyne Dr. Axmed Maxamed Khaliif, oo sheegay in ay isugu jireen carruur iyo dad waaweyn, wuxuuna intaa ku daray inay ka mid ahaayeen ilaa 600 oo qof oo shubanku soo ritay tan iyo dabayaaqadii bishii May.

Inkastoo ay dhici karto in tiradu ay intaa ka badan tahay maadaama ay jiraan dad aan goobaha caafimaadka la geyn, ayuu haddana dhakhtarku sheegay in iminka khatartii xanuunka ay soo yaraaneyso, bacdamaa aad la wacyi galiyey dadka.

Dhakhtarka ayaa kula taliyey dadka deegaannadaasi in ay iska kar-kariyaan biyaha ay cabayaan, qofkii uu shuban ku dhacana la siiyo milan ka kooban galaas biyo ah oo lagu daro 3 qaaddo oo sokor ah iyo qaaddo cusbo ah.

Sida uu Dr. Axmed sheegay, xanuunka shubanka ayaa gobolka ka dillaacay wixii ka dambeeyey bishii May, markii uu wabiga Shabeelle ku fatahay Beledweyne iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.