May oo noqonaysa ra'iisal-wasaaraha UK

Image caption Theresa May ayaa noqonaysa ra'iisal-wasaaraha cusub ee Britain

Wasiirada arrimaha gudaha ee Britain Theresa May, ayaa la xaqiijin doonaa inay noqoto hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra'iisal-wasaaraha Britain.

Andrea Leadsom oo ahayd qofka kaliya ee la tartamaysa ayaa ka baxday tartanka, iyadoo sheegtay in ay danta Britain ku jirto in hogaamiye la doorto goor dhow, si loo bilaabo ka bixida Midowga Yurub.

Xisbiga Conservative-ka ayaa tashanaya si ay ugu dhawaaqaan Theresa May inay noqonayso ra'iisal-wasaarihii labaad ee Britain oo dumar ah.