Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Alshabaab oo gashay Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen galankii danbe ee maanta bartamaha magaalada kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa halkaasi.

Dad ku sugan magalada Marka ayaa sheegay in ay arkeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo jooga saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada dawladda.

Illaa hadda lama soo warin wax iska hor'imaad ah oo dhacay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdsho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Marka kula hadlay gudoomiyaha magaaladaasi Xasan cumar, waxa uuna bilowgii weydiiyay bal in uu faahfaahiyo waxa ka socda Marka.