Laba tareen oo isku dhacay Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka

Laba tareen oo rakaab ah ayaa isku dhacay koonfurta Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Tareenada ayaa isku dhacay iyagoo maraya hal jid, meel u dhow magaalada Andria, ee waqooyi galbeed Bari.

Masuul ka tirsan dowladda ayaa sheegay inuu filanayo in tirada dhimashada ay kororto.

Shaqaalaha gargaarka ayaa jooga goobta. Wararka ayaa sheegaya in dhowr carruur la soo bixiyay ayagoo nool.