David Cameron oo xilka wareejinaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption David Cameron ayaa qabanaya su'aalaha ra'iisalwasaaraha baarlamaanka ee ugu danbeeyay maanta.

Ra'iisal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa bilaabay maalintiisii ugu danbaysay ee shaqada intuusan xilka ku wareejin Theresa May.

ayaa ku dhiiri galiyay Theresa May inay waddanka uu xiriir dhow la yeesho Midowga Yurub.

Mr Cameron ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii ay Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu ka hadlay kulanka su'aalaha ra'iisal-wasaaraha ee baarlamaanka ee Arbacada oo ah tii ugu danbaysay ee uu qabto. Kulanka oo ahaa mid xamaasad leh ayaa David Cameron ayaa ku dhiiri galiyay Theresa May inay waddanka uu xiriir dhow la yeesho Midowga Yurub.

ka dib wuxuu tagi doonaa guriga boqortooyada ee Buckingham Palace, si uu ugu gudbiyo iscasilaadiisa.

David Cameron ayaa sii wadi doona shaqadiisa xildhibaanimo ee baarlamaanka Britain.

Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go'aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.