Saameynta uu yeeshay heshiiskii Iran

Waxa ay Iran iyo dalalka caalamka ugu awoodda badan ku qaadatay maalmo badan iyo hurda la’aan si ay u gaaraan heshiiska nuclear -ka.

Kooxo diblumaasiyiin ah, iyo khubaro ka kala socda dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain, Faransiiska, Germalka iyo Midowga Yurub ayaa kulmay si ay ula xaajoodaan dhigooda Iran ku dhawaad 23-bilood.

Markii la gaaray heshiiskii taariikhiga ahaa, reer galbeedka waxa ay yiraahdeen caalamku waxa uu noqonayaa mid bad qaba, Iraniyiintana waxa ay dabaaldagyo ku sameeyeen wadooyinka.

Waxaa soo dhamaaday go’doonkii diblumaasiyadeed ee saarnaa Iran, laakiin mushaakiilkii heystay dhaqaalahooda ma uusan dhamaan.

Waloow cunnaqabteyntii laga qaaday, ayaa haddana bangiyada ugu waa weyn caalamka ay ka caga jiidayaan in ay la shaqeeyaan Iran.

Iraaniyiinta ayaa sheegaya in aanay weli arag mannaafacaadkii laga gaaray heshiiska.

Dadka mayalka adag ee u dhashay Iran iyo Maraykankana weli heshiiskan ma taageersanno.