Obama: Diida in Shacabka la kala qeybiyo

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqday goobtii askarta lagu toogtay

Madaxweyne Obama ayaa dadka American ka ah ku booriyay inay diidaan in lagu kala qeybiyo xamaasad naceyb.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanka uusan ukala qeybsaneen sida dadka ay moodaan.

Waxa uu ka hadlaayay xus loo qabtay shan askeri, oo nin toogashada ku xeel dheeraa, uu ku toogtay magaalada Dallas.

Ninkaasi waxa uu ka careysnaa dilka dadka madowga ah loo geysto ee ay booliska ka dambeeyaan.

Mr Obama ayaa garwaaqsaday in dad badan oo kamid ah qowmiyadaha laga tirade badan yahay inay saameyn ku yeelatay midabtakoorka.

Waxa uu aad uga hadlay arrinta kala qeybsanaanta jinsiyadeed. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in takoorka bulshadeed uu sii jirayo ayna tahay inaan la diidin.