Booliis Kenyan ah oo saaxiibadii laayay

Image caption Nin booliis ah ayaa la sheegay in uu saaxiibadii laayay

Booliis Kenyan ah oo dilay lix ka mid ah saaxiibadii ayaa isna lagu dilay is rasaasayn.

Rasaas ayuu ka bilaabay saldhig booliis oo ku yaala waqooyiga-galbeed ee Kenya saacadda bariga Afrika markay ahayd 05:20 subaxnimo.

Markii hore sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in qofka laga shakisan yahay uu yahay qof looga shakisnaa in uu dad u qorayay ururka Al-shabaab.

Askari ka tirsanaa booliiska khaaska ah oo magaalada Kapenguria u tagay in uu hawlgalka booliiska xoojiyo ayaa isna la dilay.

Ilo ka tirsan booliiska ayaa BBC-da u sheegay in ninka hubaysan ee dilka gaystay uu ka xumaaday in loo diiday in uu shaqada booliiska ka ruqsaysto maadaama uusan shaqaynin tobankii sano ee loogu talogalay in qofkasta oo booliis noqda uu shaqeeya, maadaama uu booliiska ku soo biiray 2013-kii.

Mowduucyada la xiriira