Dadka S Sudan oo loo diiday in ay dalka ka baxaan

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Hay'adda u ololeysa xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ciidanka ammaanka ee South Sudan uu si ula kac ah shacabka uga reebayo in ay dalkaasi ka qaxaan.

Waxaa jira warar sheegaya in muwaadiniinta South Sudan laga celiyay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Juba iyo soohdinta uu dalkaasi la wadaago Uganda.

Dhanka kale, weli waxaa taagan ismarin waaga siyaasadeed ee u dhexeeya labada hogaamiye ee dalkaasi ugu sareeya.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, Riek Machar, ayaa BBC u sheegay in aanu ku laaban doonin caasimadda Juba ilaa iyo inta halkaa laga geynayo ciidan qalaad oo ammaankiisa suga.

Balse waxaa arrintaasi ku gacan sayray madaxweyne Salva Kiir oo sheegay in ciidamo shisheeye tiro ku filan ay dalkaasi joogaan.

Waxa uu intaa raaciyay in uu Mr Machar u ballanqaaday ammaankiisa, balse aanu ka yeelin.

Mowduucyada la xiriira