Kerry oo Ruushka wadahadal dheeri ah la leh

Image caption Kerry iyo Lavrov

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa wadahadallo dheeri ah magaalada Mosco kula leh maanta wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov.

Labada masuul waxay isla qaadaa dhigi doonaan sidii xal nabadeed loogu raadin lahaa dalka Suuriya.

Furitaankii wadahadalka oo galinkii dambe ee Khamiistii dhacay ayuu la kulmay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay aad uga muuqatay daacadnimo iyo ka go'naansho.

Warbaahinta Maraykanku waxay ku waramayaan in Maraykanku ay soo bandhigayaan qorshe lagu kordhinayo iskaashiga millatari iyo kan xog iswaydaarsiga ee ay Ruushka la yeelanayaan.

Waxaa la sheegay in arrintaas looga golleeyahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ee Suuriya.

Laakiin aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ku wuxuu sheegay in labada masuul aysan ka wada hadlin wax ku saabsan iskaashi Millatari oo ay wada yeeshaan Ruushka iyo dalka Maraykanka.

Mowduucyada la xiriira