Rasaas laga maqlay Ankara

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Rasaas ayaa laga maqlay caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, waxaana lagu soo warramayaa in diyaaradaha dagaalka iyo kuwa helicopterka loo yaqaano ay jawi hoose ku dul marayaan magaalada.

Booliska ayaa la sheegay in ay xireen buundooyin ku yaalla magaalada Istabul.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Waxa uu intaa raaciyay in aanay jirin wax dhibaato u geysan kara dimuqraadiyada Turkiga.

Mowduucyada la xiriira