QM: gudniinka fircooniga ah waa tacaddi caruur

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waa markii koobaad ee Qaramada Midoobay ay sidan uga hadasho gudniinka Fircooniga ah

Madaxa hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan taranka dadka Babatunde Osotimehin ayaa gudniinka fircooniga ah ku tilmaamay tacaddi caruurta loo gaysto.

Waa markii koobaad ee Qaramada Midoobay ay sidaas u sharaxdo arinta gudniinka fircooniga ah.

Caadiyanna arrintaas waxay ku tilmaami jireen meel kadhac lagu sameeyay xuquuqda aadnaha.

Waraysi uu BBC-da siiyay Babatunde Osotimehin ayuu ku sheegay in aan wax qiil ah loo heli karin in la jaro qayb ka mid ah jirka baniiaadamka, loona baahan yahay in la joojiyo caadadaas.

In kabadan labo boqol oo milyan oo haween iyo gabdho ah oo dunida ku kala nool ayaa loo gudaa gudniinka fircooniga ah.

Iyaga oo laga jaro qaybo ka mid ah xubnaha taranka ee dumarka.

Mowduucyada la xiriira