Shan ruux oo loo xiray dilkii Faransiiska

Image caption Booliiska ayaa haya dadka laga shakisan yahay

Shan ruux oo la rumaysan yahay in ay calaaqaad la lahaayeen ninkii magaalada Nice ee dalka Faransiiska ku dulay 84-ta ruux ayaa xabsi lagu hayaa, sidaas waxaa sheegay dacwad oogaha magaalada Paris.

Saddex ruux waxaa la xiray sabtidii labo kalana waxaa la qabtay jimcihii, dadkaasna waxaa ka mid ah xaaskiisa oo ay Isfahan la’aan ku kala maqnaayeen.

Mohamed Lahouaiej-Bouhlel ayaa gaadhi xamuul ku soo eryay dad ka qaybqaadanayay dabaal dagga Bastille Day kahor inta aysan boliisku toogasho ku dilin.

Kooxda isugu yeerta dawladda Islaamka ayaa sheegay in mid ka mid ah uu qaaday weerarkaas.

Sheegashadaasi ayaa ka soo muuqatay warbaahinta dhanka Online-ka ah ee Amaq taas oo ah warfaafin ay si isa soo taraysa u isticmaalaan kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Laakiin ma jirto wax cadaynaya in kooxdaasi ay si toos ah ugu lug lahaayeen aabulidda weerarkaas.

Laakiin taas badalkeed warbaahinta Amaq waxay sheegtay in uu ninkaas weerarkaas gaystay isaga oo ka jawaabaya baaq guud oo kooxdu jeedisay kaas oo ah in dhamaan xubnaha Dawladda Islaamku ay weeraraan muwaadiniinta dalalka ku jira xulafada la dagaalamaysa, sidaas daraadeedna ay u sheeganayaan in ay iyagu dhiirigaliyeen in weerarkaasi dhaco.

Laakiin waxaa laga yaabaa in ay ka faaiidaysanayaan fursadda soo baxday oo aysan meesha ku jirin sheegashada ah in ay kaalin ku leeyihiin maleegitaanka weerarkaasi.

Mowduucyada la xiriira