Midowga Afrika oo dooranaya madaxda gudiyada

Lahaanshaha sawirka AFP

Waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee ku shiraya magaalada Kigali, ay doortaan xubnaha cusub ee maamuli doona gudiga Midowga Afrika.

Waxaa maalmahan socotay hadal hayn ah in doorashada dib loo dhigi doono, balse taas ayuu hadda Midowga Afrika meesha ka saarayaa.

Musharraxiinta u tartamaya jagada gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Botswana iyo Equatorial Guinea, waxaana qofka guuleysta uu bedeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma, oo Koonfur Afrika u dhalatay.

Sidoo kale, hogaamiyayaasha qaaradda ayaa la filaya in maanta ay ka arrinsadaan la dagaallanka argagixisada, iyo in ay yeeshaan sanduuq dhaqaale oo gaar u ah la dagaallanka ururada xagjirka ah ee Afrika.

Mowduucyada la xiriira