Suudaanka Koonfureed: nabad ilaalin dheeri ah ma rabno

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamo nabad ilaalin ah ayaa qaramada midoobay ka jooga Suudaanta Koonfureed, kuwo kale ayayna rabaan in la geyo

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka soo horjeesatay in ciidammo dheeraad ah la geeyo dalkooda.

Waxay sheegeen in aan loo baahneyn ciidammo dheeraad ah, ayna kuwa hadda jooga ku filan yihiin howsha nabad ilaalinta.

Safiirka Suudaanta Koofureed u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAd, James Pitia Morgan, ayaa sheegay hadalkaas.

Wuxuu intaad ku daray in dalkooda uu madax banaanyahay aysanna aqbalikarin farogelin dheeraad ah.

Wuxuu sidoo kale BBC-da u sheegay in aysan u hogaansameyn haddii cunno qabateyn dhanka hubka ah la saaro.

Hadalkiisan ayaa imaanaya iyada oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-Moon uu dalbanayo in ciidammo xoojin ah loo diro dalkaasi, iyo in cunno qabateyn dhanka hubka ah la saaro.

Shirka madaxda Afrika ee ka socda Kigali ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aamo arrintaasi la xiriira.

Dalalka qaar waxay ku talinayaan in ciidamada labada dhinac ee ishaya lakala fogeeyo, ciidammo nabad ilaalin ahna lakala dhex dhigo.

Mowduucyada la xiriira