3 boolis oo lagu dilay Maraykanka

Saddex boolis ah oo Maraykan ah ayaa toogasho lagu dilay magaalada Baton Rouge ee gobolka Louisiana.

Waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay saddex askari oo kale, mid ka mid ahna uu garaabato yahay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inaanay garaneyn sababta loo dilay askarta, ama in dilkooda uu xiriir la leeyahay kii ay booliska deegaankaasi laba todobaad ka hor ugu geysteen nin madow ah oo lagu magacaabi jiray Alton Sterling.

Ninka toogashada geystay ayaa waxaa isna dilay booliska. Waxaa la sheegay in uu yahay nin madow ah oo lagu magacaabo Gavin Long, kaasoo 29 jir ahaa.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in aanay jirin wax qiil ah oo loo samayn karo weerarrada ka dhanka ah ciidanka ammaanka.

Waxa uu ku baaqay in dadka Maraykanka ay midoobaan, kana foogaadaan hadalada kala qeybinta ah.

Mowduucyada la xiriira