Turkiga oo xilka ka qaaday boliis badan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaar ka mid ah ciidamada oo la xiray iyadoo wali ay socdaan baaritaano

Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad siddeed kun oo boliis xilka laga qaaday ka dib markii uu fashilmay afganbigii dowladda lagu ridi rabay toddobaadkii hore.

Warfaafinta ayaa sheegaysa in saraakiisha lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Fethulah Gulen, oo ay dowladda ku eedeynayso inuu soo abaabulay afgambiga.

Ilaa lix kun oo ciidan iyo shaqaalaha garsoorka ayaa la xiray.

Wakaalada wararka ee Turkiga Anadolu ayaa sheegtay inay ku jiraan jeneraalo.

Siddeed sarkaal oo Gariiga helikobtar ku galay ayaa maxkamad dalka Gariiga la horkeenayaa ka dib markii ay waddanka si sharci daro ah ku soo galeen.

Mowduucyada la xiriira