Turkiga: Taliye hore oo qirtay afgambiga

Lahaanshaha sawirka Anadolu Agency Getty Images

Taliyihii hore ciidamada cirka ee Turkiga ayaa qirtay inuu qorsheeyay afgambigii milatariga ee toddobaadkii hore ee guuldaraystay, wakaalada wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay.

Jeneral Akin Ozturk, ayaa la soo xigtay inuu u sheegay baarayaasha inuu doonayay inuu dowladda afgambiyo.

Sawiro jeneraalka ee ay soo daayeen Anadolu ayaa u muuqda inay ku yaalaaan dhowr dhaawac madaxiisa iyo qaarka hore jirkiisa.

Jeneraalka ayaa horaantii inkiray inuu ku lug lahaa afgambiga la isku dayay isagoo sheegay inuu ka shaqeeyay inuu joojiyo.

Anadolu ayaa horaantii sheegtay inuu ka mid yahay ciidamo jeneraalo oo la xiray oo dhan ilaa kow iyo toban.

Ilaaa toddobo kun oo qof oo u badan ciidamo ayaa la xiray.

In kabadan siddeed kun oo boliis ayaa shaqada laga joojiyay, iyadoo laga qaaday hubka.

Fasaxii ay qaadan lahaayeen saddex milyan oo shaqaalaha dowladda ayaa la joojiyay.

Mowduucyada la xiriira