IMF oo hoos u dhigtay kororka dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka
Image caption IMF: Ka bixitaanka Midowga Yurub oo saamaynta ugu wayn ku yeelanaya dhaqaalaha Britain

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegay in aftidii Britain ay kaga baxday Midowga Yurub ay saadaalinta dhaqaalaha adduunka ay hoos u dhigtay.

Warbixin cusub oo ay soo saartay,IMF ayaa hoos u dhigtay saadaalinteeda kororka dhaqaalaha adduunka oo ah 3.1% sanadkan iyo 3.4% 2017.

Saadaalinta kororka Britain ayaa aad hoos ugu dhacday, laakiin waddamada Yurub ayaa la mid ah.

Saadaalinta Afrika ayaa sidoo kale hoos u dhacday, sababtoo ah dhibaatooyin ka jira Nigeria iyo Koonfur Afrika oo la xiriirta hoos u dhaca sicirka qayraadka dabiiciga.

Mowduucyada la xiriira