Turkiga oo codsaday soo celinta Fethula Gulen

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Ra'iisal-wasaaraha Turkiga Binali Yildirim

Ra'iisal-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay Turkiga inuu u baahan yahay inuu hubiyo ammaankiisa boqolkiiba boqol, ka dib markii uu guuldaraystay afgambigii milatariga ee dhacay Jimcihii.

Wuxuu balanqaaday dhaqdhaqaaqa ay dowladda ku eedaynayso afgambiga in la baabi'in doono.

Mr Yildirim ayaa sheegay in codsi loo diray Maraykanka oo lagu codsanayo inay soo musaafuriyaan hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ee Fethula Gulen. Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

Ra'iisal-wasaaraha ayaa ku adkaystay Turkiga in sharci lagu maamulo, wuxuuna dadka u sheegay inaysan samayn aargudasho.

Kumanaan ciidamo, boliis, qareeno iyo garsoorayaal ayaa shaqada laga cayriyay ama la xiray.

Mowduucyada la xiriira