Britain oo joojisay gudoomiyanimada Midowga Yurub

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dowladda cusub ee Britain ka dib cod bixintii ka bixida Midowga Yurub

Britain ayaa iska joojisay inay qabato godoomiyenimada Midowga Yurub sanadka danbe.

Afhayeenka ra'iisal-wasaaraha Theresa May ayaa sheegtay in gudoomiyaha Golaha Yurub, Donald Tusk, u mahad naqay ra'iisal-wasaaraha go'aankeeda degdega, oo u ogolaan doona in la diyaariyo waddan kale ee gudoomiyenimada la wareega.

Bisha July ee sanadka danbe ayay ahayd markii ay Britain la wareegii lahayd gudoomiyenimada Midowga Yurub lix bilood.

Mr Tusk ayaa sidoo kale balanqaaday inuu caawiyo ka bixitaanka Midowga Yurub.

Mrs May ayaa booqanaysa Berlin maanta si ay wadahadal ula yeelato ra'iisal-wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horaysay ee ay dibadda ku aado tan iyo markii ay la wareegtay xilka toddobaadkii hore.

Mowduucyada la xiriira