Khamrida oo lala xiriiriyay 7 nooc oo Kansar ah

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Khamri

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in uu xiriir adag u dhexeeyo isticmaalka khamrida iyo todobo nooc oo kala duwan oo kansar ah.

Cilmi baaris ay daabacday jariiradda "addiction" ayaa lagu sheegay in ay jirto cadayn xoog badan oo muujinaysa saamayn toos ah oo waxyeello leh oo khamri cabiddu keento.

Inkastoo arrintaasi aan biology ahaan loo caddaynin.

Kansarka sida tooska ah loola xiriiriyay khamri cabitaanka waxaa ka mid ah kuwa ku dhaca afka, cunaha iyo naasaha.

Sakaarka caafimaadka ugu sareeya ee UK ayaa bishii koobaad ee sanadkan sheegay in intaydoontaba hala ekaatee khamri cabidii la joogteeyo ay halis caafimaad leedahay.

Waxaa lagu qiyaasay in khamridu ay sababtay Kansar dilay in kabadan nus milyan sanadkii 2012 oo kali ah.

Mowduucyada la xiriira