Sagaal ku dhimatay weerar ka dhacay Jarmalka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption weerarka ayaa ka dhacay meel laga dukaameysto.

Booliska magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in nin dabley ahaa oo toogasho ku dilay sagaal qof oo uu ku sugnaa meel lagu dukaameysto oo ku taala magaaladaasi uu ahaa wiil 18 jir ah oo u dhashay dalka Iraan oo muddo dheer ku noolaa magaaladaasi.

Boolisku waxa ay intaasi ku darayaan in ninkani uu kaligii ahaa isla markaana horeyna aysan uga shakisanayn.

Ninkan ayaa u muuqda in uu is dilay, inkastoo boolisku ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in ay toogteen ciidankii halkaa u soo gurmaday.

Dhimashada ka sokow, waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay 16 qof, oo saddex ka mid ah ay xaaladdooda liidato.

Mar sii horreysay ayay mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen in ay suurtagal tahay in ilaa saddex nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya kaddib markii usbuuc ii la soo dhaafay uu wiil dharw iyo toban jir ah oo toorey iyo masaar ku hubeysan uu weeraray dad rakaab ah oo saaran tareen.

Mowduucyada la xiriira