Baaritaanka diyaaraddii MH370 ayaa la hakiyay

Image caption MH370

Waxaa la hakinayaa baadigoobkii diyaaraddii la waayay ee Malaysia Airlines ee falaaytkeedu ahaa MH370 badalkii la joojin lahaa, waase haddii aan laga helin goobta hadda laga baarayo, sida ay sheegeen saraakiishu.

Shiinaha, Malayshiya iyo Australia ayaa horay ugu heshiiyay in la soo afjaro baaritaanka laga samaynayo koonfurta badda Hindiya haddii aan la helin macluumaad la la aaminikaro oo cusub.

Diyaaradda waxaa saarnaa 239 rakaab ah iyo shaqaalihii, waxaana la waayay bishii saddexaad ee 2014-ka.

Qaar badan oo ka mid ah qaraabadii dadkaas ayaa in badan xukuumadaha ka dalbanayay in aan la joojinin baadigoobka inta diyaaradda laga helayo.

Ku dhawaaqitaan kaasi wuxuu yimid kaddib markii ay Malayshiya ku kulmeen wasiirro ka kala socda saddex daasi dal.

Waxay qireen in ay sii yaraanayso rajada laga qabo in la helo diyaaradda iyada oo aaga hadda la baarayo ay ka dhimantahay 10,000 kiiloo mitir oo isku wareeg ah.

Ilaa iyo hadda 135 milyan oo doolar ayaa lagu bixiyay daydayidda diyaaraddaas, taas oo ka dhigaysa middii ugu qaalisanayd taariikhda duulimaadka.

Mowduucyada la xiriira