Shiinaha: 78 ruux ayaa daadad ku dhintay

Lahaanshaha sawirka UGC
Image caption Saamaynta ka dhalatay daadadka Shiinaha

Daadad ka dhacay waqooyiga iyo bartamaha Shiinaha ayaa dilay ugu yaraan 78 ruux, dad kale ayaana la soo sheegay in la la’yahay sida ay ku warrameen sarakiisha iyo warbaahinta dawladdu.

Daadad iyo dhul sare oo soo go’ay ayaa burburiyay kumanaan guri oo ku yaalay gobolada Hebei iyo Henan, sidoo kale waxay waxyeello soo gaadhay dalagii.

Dad 16 milyan gaaraya oo Shiinaha ku nool ayaa ku qasbanaaday in ay isaga tagaan guryahooda sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Reuters.

Xukuumadda Shiinuhu waxay sheegtay in ay bixin doonto dhaqaale wax loogu qabto deegaanada ay roobabku saameeyeen.

Dhimashada cusub inteeda badan waxay ka dhacday waqooyiga gobolka Hebei halkaas oo ay ku dumeen ku dhawaad 50,000 oo guri, halkaas oo ay sideetan milyan ku saameeyeen roobabku, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Shiinaha Xinhua.

Korontada ayaa go’day dhibaato wayna waxay ka jirtaa isgaarsiinta iyo wadooyinkii gaadiidku isticmaalayeen sida ay sheegtay Xinhua.

Mowduucyada la xiriira