Dab caruur ku laayay magaalada Hargeysa

Image caption Sawir hore oo Hargaysa laga qaaday

Magaalada Hargeysa saddex caruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay kaddib markii uu dab qabsaday gurigii ay deganaayeen, iyadoo Aabahoodna uu dhaawac helis ahi ka soo gaadhay dabkaasi.

Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan ayaa BBC u sheegay in saddexda caruurta ah oo ka ugu da'da weyni uu ahaa 12 sano ayna kala ahaayeen labo gabdhood iyo wiil.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dilka caruurtaasi lagu eedeynaayo aabahood oo maskaxda ka jiran, kaas oo la sheegay in uu guriga isku soo qufulay osaka oo ay caruuru weheliyaan uuna dab qabadsiiyay.

Boliiska denbi-baarista ayaa baaritaan ku haya shilkaas naxdinta leh.

Mowduucyada la xiriira