MRC oo soo dhawaysay xijaabka la fasaxay

Image caption Lagos waa magaalo ay wada dagan yihiin dad kala diimo ah

Ururka xuquuqda Muslimiinta Nigeria u dhaqdhaqaaqa ee MRC ayaa soo dhaweeyay go’aan ay maxkamada racfaanka ee Lagos ugu ogolaatay in gabdhuhu ay xijaab ku aadi karaan iskuulada.

Bulshada Nigeria ayaa si isku dhaw ugu qaybsan Muslimiin iyo Kiristaan, labadoodubana waxay leeyihiin kuwo ku dhagan diinta.

Muslimiinta intooda badan waxay ku nool yihiin waqooyiga Kiristaankuna waxay u badan yihiin dhanka Koonfureed.

Inkastoo gobolka Koonfurta ee Lagos uu leeyahan bulsho badan oo diimo kala duwan aaminsan.

Bishii lixaad ayay maxkamadda sare ee gobolka Osun laashay sharcigii gabdhaha ka mamnuucayay in ay madaxa qarsadaan.

Dareen diimeed ayayna ka dhalisay gobolka, qaar ka mid ah wiilisha kiristaanka ah ayaa ku adkaysteen in ay iyaguna soo xiran doonaan dharka kiniisadaha lagu aado marka ay iskuulka imanayaan.

Labo gabdhood oo Muslimiin ah ayaa ka soo horjeedsaday go’aanka gobolka Lagos, iyaga oo dacwad geeyay maxkamadda racfaanka kaddib markii maxkamadda sare ay ku gacan sayrtay 2013-kii.

Maxkamadda racfaanka ayaase hadda amartay in gabdhahaas aan loo diidi Karin xijaabka ama in ay madaxa qarsadaan, in loo diidana ay meel uga dhacayso xuquuqdoodii diinta.

Go’aanka maxkamada ayaa ahaa mid la isku raacay labo ka mid ah shanta gar yaqaan ayaana Muslimiin ahaa.

Gudiga xuquuqda Muslimiinta u dooda ee MRC ayaa sheegay in xukunkaasi uu yahay guul u soo hoyatay dumarka Muslimka ah ee dalka oo dhan.

Mowduucyada la xiriira