Qarax Afghanistan ku dilay 60 ruux

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qawmiyadda Haraza waa shiico laga badan yahay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay in bam lagu qarxiyay dad ku dibed baxayay caasimadda Kabul ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 200.

Qaraxa ayaa lala beegsaday bannaan bax ay samaynayeen kumannaan qof oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara, oo ah Shiico ku nool Afghanistan.

Ururka isku magacaaba Dowladda Islaamka, oo ka dagaallama bariga dalkaasi, ayaa sheegay in uu ka dambeeyay qaraxaasi.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay ka muuqday burbur ballaaran, waxaana dadka loogu baaqay in ay dhiig u shubaan kuwa dhaawaca ah.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay.

Mowduucyada la xiriira