Hogaamiye Daacish oo lagu dilay Afghanistan

Lahaanshaha sawirka BBC Monitoring
Image caption Hogaamiyayaal horey Taliban uga mid ahaa ayaa Daacish ku biiray

Ciidamada dalka Afghanistan waxay sheegayaan inay dileen nin can ahaa oo hogaaminayay ururka Daacish ee bariga gobolka Nangarhar.

Saad Imarat, waxa uu horey u ahaan jiray taliye ciidan oo Taalibaan kamid ahaa.

Waxa uu sidoo kale kamid yahay 12o qof oo Daacish looga shakisanaa oo 24kii saac ee la soo dhaafay la dilay.

Howlgalka oo xudun u ah degmada Kot ayaa weli socda, waxaana la bartilmaameed sanayaa xubnaha ISIS.

Saraakiisha dalka Afghanistan waxa ay sheegayaan inay la wareegeen xarumaha caafimaadka iyo maxkamadaha Daacish.

Sidoo kale waxay tilmaameen in xarumo ciidan oo kooxda ay leheyd qabsadeen.

Dadka siyaasadaha iyo dagaallada taxliiliya waxay sheegayaan in howgalkan oo dhabar jab weyn ku yahay ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee dalka Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira