Ilaalada UN oo kamid ahaa dadka qaraxyada ku dhintay

Image caption Qof i qarxiyay oo gaari saarnaa ayaa eegtay dhismaha AMISOM

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo lala eegtay xarunta ciidamada AMISOM ee mgaalada Muqdisho.

Goobta qaraxyada ay ka dheceen waxay ku dhowdahay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qaar kamid ah ilaalada hay'ada Qaramada Midoobeey ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin dadka qaraxyada ku dhintay.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Waa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada oo la qaadayo

Saldhigga Ciidamada AMISOM ee ugu weyn Soomaaliya iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka ayaa halkaasi sidoo kale ku yaalla.

Image caption Hadda ciidamada amniga ayaa nawaaxiga la wareegay

Qaraxyada mid kamid ah waxaa lagu dhuftay derbiga dhismaha AMISOM, midna wuxuu ka dhacay bar koontorool.

Lahaanshaha sawirka bb
Image caption Derbiga dhismaha xarunta AMISOM ayaa mid kamid ah qaraxyada lala eegtay

Qiiq ayaa la arkayay oo ka soo baxaya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Image caption Barta kontorool ee la qarxiyayna waxaa hadda ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya

Sidoo kale rasaas xoog leh ayaa laga maqlay isla goobta, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda.

Alshabaab ayaa sheegtay qaraxyada saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira