Faransiiska: Hogaamiyayaasha diimaha oo ku baaqay adkaynta ammaanka

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Hogaamiyayaasha diimaha ugu wayn Faransiiska oo ku kulmay guriga madaxweynaha Elysee Palace

Hogaamiyayaasha diinta ee dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in la adkeeyo ammaanka meelaha lagu cibaadaysto, ka dib markii laba nin ay dileen baadari ku qabanaya salaada subaxnimo kaniisad Talaadadii.

Hogaamiyaha Muslimiinta Faransiiska Dalil Baubakeur, ayaa sheegay inay rabaan in si joogta ah loo adkeeyo ammaanka.

Wuxuu hadlayay ka dib markii hogaamiyayaasha Kiristaanka, Muslimiinta iyo Buddistaha ay la kulmeen madaxweyne Francois Hollande si ay u muujiyaan taageero.

Isagoo telefishinka ka hadlaya ayaa sheegay in Faransiiska iyo Yurub aysan arkin qatar sidan u wayn, laakiin sharciyada ka hortaga argagixisada inay adag yihiin.

Mowduucyada la xiriira